Somaliland oo si adag uga jawaabtay hadalka Soomaaliya ee ku saabsan safiirka Israa'iil

0
Saturday April 18, 2026 - 15:12:26 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 33
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo si adag uga jawaabtay hadalka Soomaaliya ee ku saabsan safiirka Israa'iil

    Wasaaraddu waxay sidoo kale caddeysay in Soomaaliya aysan lahayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaraddu waxay sidoo kale caddeysay in Soomaaliya aysan lahayn



Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay hadallo kasoo yeedhay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo lagu diidanaa safiirka Israa’iil ee loo magacaabay Somaliland.


 

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in sheegashooyinka Soomaaliya ay yihiin kuwo aan ku dhisnayn sharci, taariikh iyo xaqiiqo toona. Waxa kale oo lagu adkeeyey in Somaliland ay tahay dal madaxbannaan oo xorriyadiisa qaatay 26-kii June 1960, isla markaana ku tallaabsaday horumar muuqda oo dhinacyo badan leh.



 

Wasaaraddu waxay sidoo kale caddeysay in Soomaaliya aysan lahayn wax sharci ah oo ay kaga hadli karto ama ku faragelin karto xidhiidhada dibadda ee Somaliland, kuwaas oo ay ku tilmaantay xuquuq ka mid ah qaranimada Somaliland.


 

Ugu dambayn, Somaliland waxay ku celisay inay ka go’an tahay nabad ku wada noolaanshaha gobolka iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah, balse aysan marnaba ka tanaasuli doonin madax-bannaanideeda iyo xaqa ay u leedahay go’aaminta siyaasaddeeda dibadda.

Loading...
Loading...