Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka jawaabay dhaliilaha KAAH: "Madaxweynuhu waa hoggaamiye talo-wadaag ah"
Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si adag uga jawaabay dhaliilo uu Guddoomiyaha Xisbiga KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi, u jeediyey xukuumadda iyo xisbigeeda, kuwaas oo la xidhiidhay in aan mucaaradka lagala tashan arrimaha aqoonsi raadinta Somaliland.
Mudane Xirsi ayaa difaacay xukuumadda iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isaga oo caddeeyey in aanu ahayn hoggaamiye ku sifaysan talo maroorsi, balse uu yahay mid si joogto ah ula tashada dhinacyada siyaasadda, gaar ahaan xisbiyada mucaaradka ah.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Madaxweynaha uu laba ilaa saddex jeer u yeedhay xisbiyada mucaaradka si ay uga qayb qaataan talooyinka la xidhiidha hawlaha socda ee aqoonsi raadinta, isaga oo xusay in albaabku u furan yahay wadatashi joogto ah.
"Odeygu laba iyo saddex jeerba wuu u yeedhay, haddii se Maxamuud cabashadaa uu sheegay ma diidani, waanan soo dhaweynayaa haddii ay yidhaahdaan talada nala wadaaga. Madaxweyne Cabdiraxmaan waa nin talo wadaag ah oo aan ahayn mid dadka ka leexda marka talo laga hadlayo,” ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Sidoo kale, Guddoomiye Xirsi ayaa soo dhaweeyey talo soo jeedin ka timid dhinaca KAAH oo ku saabsan in la sameeyo guddi qaran oo ka shaqeeya arrimaha aqoonsiga, isaga oo tilmaamay in arrintaasi ay tahay tallaabo wanaagsan oo kor u qaadi karta midnimada iyo wada shaqaynta siyaasadeed.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayaan doodaha siyaasadeed ee ku saabsan qaabka loo wajahayo aqoonsi raadinta Somaliland, iyo doorka ay xisbiyada mucaaradku ku leeyihiin arrimahaasi.


0 





