Guddoomiyaha Cusub ee Hay'adda Dekedaha oo Xilka La Wareegay, Ballanqaaday Horumar iyo Hufnaan

0
Wednesday April 15, 2026 - 17:51:14 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Cusub ee Hay'adda Dekedaha oo Xilka La Wareegay, Ballanqaaday Horumar iyo Hufnaan

    Waxa uu xusay in hay'addu door muhiim ah ka qaadato ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu xusay in hay'addu door muhiim ah ka qaadato ...

May be an image of one or more people, dais and text that says 'AMHUURIYADDASOMAL SOMALILAND a HAY'ADDAAAGA HAY'ADDAAAGAGANASIGA AAGA GANASIGA SINGS IdE CASHUURAHA KA CAAGAN JAMHUURIYADDA SOMALILAND GUDDIGA AGAASINKA (HDS HA HAY'ADDA SOMALILAN AAGGA GANACSIGA CASHUURAHA KA-CAAGAN CASHUURAHAKA-CAAGAN CAAGAN XANTADDA XAI ADDA -W ESNANDADINO CEPBAH CA i PRONI ZONE XAFL XAFLOSOD DA -WN T UB ED 問 S ED'


Guddoomiyaha cusub ee Guddida Agaasinka Hay’adda Dekedaha iyo Aaga Cashuuraha ka Caagan, Mudane Maxamed Maarshaal, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka, isagoo bilaabay waajibaadkiisa hoggaamineed.


 

Guddoomiyuhu waxa uu ballanqaaday inuu horseedi doono hoggaan hufan oo daahfuran, isla markaana uu dardar-gelin doono horumarinta dekedaha iyo kobcinta maalgashiga la xidhiidha.


 

Waxa uu xusay in hay’addu door muhiim ah ka qaadato koboca dhaqaalaha Somaliland, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha.


 

Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamed Maarshaal ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo ka faa’iidaysiga fursadaha maalgashi iyo horumarinta adeegyada dekedaha, si loo kobciyo dhaqaalaha dalka loona abuuro fursado cusub oo ganacsi.

Loading...
Loading...