Madaxweyne Cirro oo U Mahadceliyey Ka Qaybgalayaasha Dhir-beerista iyo Wasaaradaha La Shaqeeya Deegaanka

0
Wednesday April 15, 2026 - 16:59:52 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 68
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Cirro oo U Mahadceliyey Ka Qaybgalayaasha Dhir-beerista iyo Wasaaradaha La Shaqeeya Deegaanka

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale si gaar ah u xusay muhiimadda...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si gaar ah u xusay muhiimadda...

May be an image of one or more people and tree



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi "Cirro”, ayaa u mahadceliyey dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay ololaha dhir-beerista ee dalka, isaga oo bogaadiyey doorka ay bulshada iyo hay’adaha kala duwan ka qaateen ilaalinta deegaanka.


 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si gaar ah u xusay muhiimadda wada shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo wasaaradaha kale ee dowladda, kuwaas oo door muuqda ka qaata hirgelinta barnaamijyada dhir-beerista iyo ilaalinta deegaanka.


 

"Waxa aan u mahadnaqayaa cid kasta oo ka qeyb qaadatay dhir-beerista, waxa aan sidoo kale u mahadnaqayaa Wasaarad kasta oo wada shaqeyn la leh Wasaaradda Deegaanka,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.


 

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa dhiirrigeliyay in la sii xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu ilaalinayo deegaanka, si loo helo mustaqbal cagaaran oo waara oo ay ka faa’iideystaan jiilasha hadda iyo kuwa dambe.

Loading...
Loading...