Wasiir Barkhad Batuun: Dhir-beeristu Waa Furaha Deegaan Cagaaran iyo Dalxiis Horumarsan
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Xirsi (Batuun), oo ka qayb galay xuska Maalinta Qaranka ee Dhir-beerista Somaliland, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay dhir-beeristu u leedahay dalka iyo bulshada.
Wasiirku waxa uu sheegay in dhir-beeristu ay door weyn ka qaadato ilaalinta deegaanka, yaraynta xaalufka, iyo kor u qaadidda bilicda guud ee dalka, taas oo si toos ah uga qayb qaadata horumarinta dalxiiska.
Sidoo kale, Wasiir Barkhad Batuun ayaa muujiyay rajadiisa ku aaddan mustaqbal cagaaran oo Somaliland yeelato, isaga oo Alle ka baryay in dalka uu noqdo meel soo jiidata dalxiisayaasha caalamka.
"Alle waxaan ka baryayaa in dalkeenna uu ka dhigo dal lagu soo hirto oo cagaaran oo loo dalxiis yimaado,” ayuu yiri Wasiirku.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa bulshada ku dhiirrigeliyay inay ka qayb qaataan dhir-beerista iyo ilaalinta deegaanka, si loo helo dal qurux badan oo horumar leh.


0 





