Madaxweynaha Somaliland oo Ku Baaqay Dhir-beeris Qaran: "Deegaanku Waa Nolosheenna"

0
Wednesday April 15, 2026 - 15:15:06 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo Ku Baaqay Dhir-beeris Qaran: "Deegaanku Waa Nolosheenna"

    "Dhammaanteen aynu ka qayb qaadano ilaalinta deegaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dhammaanteen aynu ka qayb qaadano ilaalinta deegaanka


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi "Cirro”, ayaa bulshada ku booriyay inay si guud uga qayb qaataan ilaalinta deegaanka, isaga oo xusay in nolosha bini’aadamku si buuxda ugu tiirsan tahay badbaadada deegaanka.


 

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabadda xuska Maalinta Dhir-beerista Qaranka ee lagu qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in muhiim tahay in la xoojiyo wacyiga bulshada ee ku aaddan ilaalinta deegaanka iyo beerista dhirta.



 

"Dhammaanteen aynu ka qayb qaadano ilaalinta deegaanka oo ah nolosheenna,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.


 

Waxa uu sidoo kale shacabka ku dhiirrigeliyay in qof kasta uu qaato masuuliyadda beerista ugu yaraan hal geed, si loo yareeyo xaalufka deegaanka loona sugo mustaqbal cagaaran oo waara.


 

Munaasabaddan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Somaliland ku doonayso inay ku xoojiso ilaalinta deegaanka iyo la dagaalanka saameynta isbeddelka cimilada.

Loading...
Loading...