Dumarka Soomaalida Ma Isu Dheelitiri Karaan Shaqada Iyo Naas-Nuujinta?

0
Monday August 05, 2019 - 12:58:51 in News by
  • Visits: 1616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dumarka Soomaalida Ma Isu Dheelitiri Karaan Shaqada Iyo Naas-Nuujinta?

    Dumarka Soomaalida Ma Isu Dheelitiri Karaan Shaqada Iyo Naas-Nuujinta?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dumarka Soomaalida Ma Isu Dheelitiri Karaan Shaqada Iyo Naas-Nuujinta?


Waxaa lagu guda jiraa todobaadka naas-nuujinta oo caalamka laga xuso sannad walba inta u dhaxeysa 1-d ilaa iyo 7-da August oo ay asteeyeen hay'adda caafimaadka aduunka iyo hay'adda qaramada midoobey u qaabilsan carruurta ee UNICEF.


Xuska naas-nuujinta ee sannadlaha ah ayaa looga gol leeyahay in bulshada gaar ahaanna hooyooyinka lagu wacyi geliyo naas-nuujinta faa'idooyinka caafimaad uu ilmuhu u leeyahay.



Haddaba maanta waxaan eegaynaa hooyo Aamino Maxamuud Nuur oo muddo 15 sano u shaqeyneysay wasaarad ka tirsan Puntland isla markaana ilmaheeda nuujin jirtay.


Aamino ayaa sheegtay inay shaqaynaysay muddo 15 sano ah, ayna tahay hooyo haysata toddobo carruur ah.


" Ku dhawaad 15 sano ayaan shaqaala ahaa markii aan shaqada ku soo biirayay qoys malahayn balse hadda waxaan ahay hooyo haysata 7 carruur ah, runtii markaad tahay hooyo kana shaqaynaysid shaqooyinka qaar waa ay adagtahay, balse waajibaadka hooyada ayaa ah inay masuuliyadda ilmaheeda ka soo baxdo marka hore." Ayey tiri Aamino.


Aamino Maxamuud ayaa sheegtay in hooyooyinka marka ay dhalaan uu xeerka ka jira Puntland u ogolyahay ilaa afar bilood oo fasax ah.


"Xeerka shaqada iyo shaqaalaha waxa uu dhigayaa marka ay hooyado umusho ay xaq u leedahay fasax afar bilood ah, kaddib marka uu fasaxo kaa dhamaado waxa aad helaysaa fursad aad ilmahaada ku soo nuujiso muddo saacad ah oo aad ugu tagi karto ilmahaada." Ayey tiri Aamino.


Aamino ayaa sheegtay in hooyooyinka qaar aysan helin fursado fiican oo u fududaynayo inay dib ugu laabtan ilmahooda si ay u nuujiyaan iyada oo sidoo kale ku dartay in hay'adaha qaar aysan tixgelinin xeerka shaqada iyo shaqaalaha.


"Mararka qaar laguma dhaqmo, waxaa laga yaaba hooyada inaysan haysanin fursado u fududeeyo inay ilmaheeda naas-nuujiso ama hay'adaha oo aanan weli u bislayn." Ayey tiri Aamino.


"Aniga waxa aan shaqada ka qaata saacad fasax ah si aan guriga u tago oo aan ilmahayga u soo nuujyo, balse waxaa jira siyaabo kala duwan oo ay sameeyan hooyoyinka, qaar ka mid ah waxa ay u lisaan caanaha waxayna u galiyaan talaagada kuwa kalana waxa ay ilmahooda keenaan xarumaha lagu daryeelo ee ku yaala goobaha shaqada si ay u nuujiyaan." Ayey sii raacisay Aamino.


Caqabadaha ay badanaa gabdhaha shaqeeya ay badanaa kala kulmaan arrinkan ayaa ah sida ay Aamino sheegtay in aysan hooyooyinka badanaa helin xarumo waaweyn oo dowladeed oo ay ilmaha

 


Loading...
Loading...