Raganimada Iyo Dumarnimada Dhabta Ah: Faham Qaldan Iyo Xaqiiqda Nolosha
Bulshada maanta waxa si weyn ugu dhex faafay faham qaldan oo ku saabsan raganimada iyo dumarnimada. Qaar badan ayaa u arka raganimadu inay la xidhiidho ad-adayg, qalbi qalafsanaan, iyo xitaa balwado sida sigaarka, halka dumarnimada lagu koobo qurux dibadeed iyo waxyaabo la marsado.
Hase ahaatee, xaqiiqadu way ka fog tahay sawirkaas la sameeyey.
Raganimadu ma aha balwad, qiiq sigaar iyo ad-adayg. Mana aha qalbi qalafsanaan iyo naxariis darro. Raganimadu waa diin, akhlaaq, iyo dulqaad. Waa masuuliyad damiir leh, garasho iyo damqasho ku dhisan sharaf iyo karaamo. Ragga dhabta ahi waa kuwa fahma waajibaadkooda, ilaaliya dadka ku xeeran, kana shaqeeya wanaagga bulshada.
Sidoo kale, dumarnimadu ma aha midab la marsado, makeup ama muuq la faydo. Dumarnimadu waa xishood ifaya iyo dhawrsanaan deggan. Waa haybad aamusan oo ka tarjumaysa akhlaaq, karaamo iyo sharaf aan la iibsan karin.
Waxaa muhiim ah in dhalinyarada maanta loo iftiimiyo macnaha dhabta ah ee raganimada iyo dumarnimada, si looga fogaado ku dayashada dhaqamo aan waxtar lahayn oo bulshada dhaawacaya.
Ugu dambayn, raganimada iyo dumarnimadu waa qiyam ku dhisan akhlaaq, masuuliyad iyo ixtiraam, mana aha muuqaal dibadeed ama falal aan qiimo lahayn.
Qoraal: Cabdi Fataax Bishaar Bilkhayr
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





