DEG DEG Madaxweyne Cirro Oo Maamulka Muqdisho Ugu Jawaabay Gabaygii Hadraawi
Hargeysa (Hadhwanaag) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa gabay ka mid ah suugaanta caanka ah ee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ku muujiyey fariin uu u diray maamulka Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa soo xigtay meerisyo ka mid ah gabayga,
isagoo yidhi:
"Godad laysamaaye tashiga waan gudoonsaday,
Waxba yaan indhaha la igu gubin gaabsiga ma aqaane.”
Hadalkan Madaxweynaha ayaa loo fasirtay mid muujinaya go’aan
adag iyo mowqif cad oo ku aaddan arrimaha siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland
iyo Soomaaliya, isaga oo adeegsanaya suugaan si uu u muujiyo aragtidiisa.
Gabaygan uu soo xigtay Madaxweynaha ayaa ka mid ah
hal-abuurkii Abwaan Hadraawi, kaas oo caan ku ahaa suugaan xambaarsan fariimo
qoto dheer oo ku saabsan waddaniyadda, go’aan qaadashada iyo hal-adaygga.
Isticmaalka suugaanta ee hadalka Madaxweynaha ayaa ah mid
muujinaya dhaqanka iyo qiimaha ay suugaantu ku leedahay bulshada Somaliland,
gaar ahaan marka ay timaaddo gudbinta fariimo siyaasadeed iyo mid bulsho.


0 





