Madaxweyne Cirro Oo Shaaciyey In Ciidamada Somaliland Loo Samaynayo Waax Ka Shaqaysa Amniga Internet-ka
Hargeysa (Hadhwanaag) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Somaliland loo samayn doono waax gaar ah oo ka shaqaysa amniga internet-ka iyo ka hortagga khataraha dhanka dijitaalka ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshaha xukuumadda ee lagu xoojinayo amniga qaranka, gaar ahaan dhinacyada casriga ah ee tiknoolajiyadda iyo xogta.
Waxa uu tilmaamay in amniga internet-ku uu noqday mid muhiim u ah dalalka caalamka, isla markaana Somaliland ay u baahan tahay inay la jaanqaaddo isbeddellada cusub ee dhanka amniga dijitaalka ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in la samayn doono ciidamo si gaar ah ugu tababaran ilaalinta amniga internet-ka, si loo difaaco xogta qaranka, loogana hortago weerarrada cyber-ka.
Arrintan ayaa muujinaysa dadaallada xukuumadda ee ku aaddan casriyeynta hay’adaha amniga iyo la qabsiga horumarka tiknoolajiyadda.


0 





