DEG DEG Madaxweyne Cirro Oo Sheegay In Mushaharka Ciidanka Lagu Shubo Mobilada, 6 Kun Oo Askari Cusubna Lagu Daray
Hargeysa (Hadhwanaag) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in la hirgeliyey nidaam cusub oo mushaharka ciidamada lagu siiyo si toos ah mobilada, isla markaana ciidanka lagu kordhiyey tiro cusub oo gaadhaysa 6 kun oo askari.
Madaxweynaha ayaa xusay in nidaamkan uu yahay mid kor u qaadaya hufnaanta, isla markaana yareynaya musuqmaasuqa, isaga oo tilmaamay in askari walba uu si toos ah u helayo mushaharkiisa.
"Askari walbaba mushaharkiisu mobilka ayuu ugu dhacayaa, 6 kun oo askari oo cusub ayaa ciidanka ku soo biiray,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in kordhinta ciidanka iyo hagaajinta nidaamka mushaharka ay qayb ka yihiin qorshaha xukuumadda ee lagu xoojinayo awoodda ciidamada iyo sugidda amniga dalka.
Hadalkan Madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay xukuumaddu waddo dadaallo lagu horumarinayo hay’adaha amniga iyo tayaynta ciidanka qaranka.


0 





