Maxaa looga wadahadlaya shirka Jigjiga ee Soomaalida iyo Oromada
Sannad ayaa laga joogaa markii ay rabsahado ka dhacay magaalada Jigjiga horseedeen inuu xilka ka dego madaxweynihii deegaanka Soomaalida, Cabdi Muxumad Cumar.
Bilihii ugu dambeeyay ee xukunkii Cabdi Cumar iyo weliba marka uu xilka ka degay ayaa colaad dhiig badani ku daatay waxa ay dhex martay qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo deris wadaag ah.
Haddaba si dhibaataas looga gudbo waxaa magaalada Jigjiga ka dhacay kulan nabadeyn ah oo ay ka qeyb galeen in ka badan kun qof oo labada qowmiyadood ah, isla markaana ay kala hogaaminayeen labada madaxweyne ee deegaannadaasi.
Haatan colaadda way joogsatay oo waxaa dib loo dhisay guryihii la bur-buriyay balse weli waxaa jira dad badan oo magaalooyinka ka qaxay oo ku sugan xerooyin, waxaana haatan lagu dadaalaya sidii dadkaasi dib loogu celin lahaa magaalooyinkii ay ka soo barakeceen.
Madaxweye Mustafa Muxumed Cumar ayaa sheegay in mas’uuliydda dib u dejinta dadkaasi la wada qaadayo.
‘‘Haatan waxaa loo baahan yahay in loo guntado sidii dib loogu celin lahaa barakacayaasha waxayna arrintaasi ay mas’uuliyad ka saarantahay labada dhinacba’’
Mdaxaweynaha oo sii wata hadalkiisa ayaa yiri:
‘’Aniigoo ku hadlaya magaca soomaalida waxaan ballan qaadayaa in aan sii wadi doono dadaallada nabadaynta ee Soomaalida iyo Oromada’’
Dhanka kale madaxweynaha gobolka Oromiya oo xilka gobolkaasi ku cusub oo kulanka ka hadlayay ayuu isagoo isku dayaya inuu ku hadlayo luuqadda afka Soomaaliga sheegay:
‘’Oromo iyo Soomaali waa mid, Oromo iyo Soomaali waa walaalo, dhibaatada u dhaxaysana dadkaan si loo xalliyo waxaan u mareynaa dhaqan iyo wadahadal waana in aan adkeeyno midnimada iyo wadajirka dadkaan walaalaha ah’’
Kulankan ayaa waxaa soo dhaweeyay dhammaan shacabka Soomaalida iyo Oromada waxayna aaminsan yihiin in xal waara laga gaari doono dhibaatada labada qowmiyadood.


0 





