DEG DEG Madaxweyne Cirro Oo Sheegay In Dalal Badan Aqoonsan Doonaan Somaliland, Israel-na Aanay Keligood Ahayn

0
Tuesday April 14, 2026 - 10:25:02 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Madaxweyne Cirro Oo Sheegay In Dalal Badan Aqoonsan Doonaan Somaliland, Israel-na Aanay Keligood Ahayn

    "Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in dalal badan Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in dalal badan Somaliland


Hargeysa (Hadhwanaag) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shaaca ka qaaday in dalal badan oo caalamka ahi ay dhawaan aqoonsan doonaan Somaliland, isagoo xusay in aqoonsigu aanu ku koobnaan doonin Israel oo keliya.


 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Somaliland ay horumar weyn ka samaysay dhinaca diblomaasiyadda, isla markaana ay jiraan dalal badan oo danaynaya inay xidhiidh rasmi ah la yeeshaan.



 

"Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in dalal badan Somaliland dhawaan aqoonsan doonaan, isla markaana aanay Israel keligood ku koobnaan doonin aqoonsigaasi,” ayuu hadalkiisa ku sheegay.


 

Waxa uu sidoo kale xusay in ay jiraan dalal si dadban ula shaqeeya Somaliland, kuwaas oo la filayo inay mustaqbalka u gudbaan xidhiidh rasmi ah.


 

Hadalkan Madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay Somaliland sii xoojinayso dadaallada ay ugu jirto aqoonsi caalami ah, iyadoo la filayo in hadalladani ay abuuraan falcelin siyaasadeed oo kala duwan.


Loading...
Loading...