DEG DEG Madaxweyne Cirro Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Laascaanood, Sheegayna In Sool Bari Aanay Kala Maarmi Karin

0
Tuesday April 14, 2026 - 10:19:43 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Madaxweyne Cirro Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Laascaanood, Sheegayna In Sool Bari Aanay Kala Maarmi Karin

    Waxa uu Madaxweynaha carrabka ku adkeeyey in bulshada ku dhaqan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu Madaxweynaha carrabka ku adkeeyey in bulshada ku dhaqan


Hargeysa (Hadhwanaag) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay xidhiidh la samaysay dhinacyada ku sugan Laascaanood, isaga oo muujiyey rajo ku aaddan in arrimaha halkaasi ka taagan lagu xallin doono si nabad ah.


 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay jirto rajo laga qabo in xaaladda Laascaanood ay u dhammaato si la mid ah sidii arrimaha Sanaag loo wajahay, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay wada-hadal iyo isfahan.



 

"Walaalaha Laascaanood xidhiidh ayaanu la samaynay, waxaanan rajaynayaa in sidii Sanaag ay hawsheedu u dhammaato. Sool bari sinnaba kuma kala maarmi karno,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.


 

Waxa uu Madaxweynaha carrabka ku adkeeyey in bulshada ku dhaqan gobolladaasi ay wadaagaan taariikh, dhaqan iyo dano guud, taas oo ka dhigaysa mid aan la kala maarmin, isla markaana u baahan in si wadajir ah loo xalliyo wixii khilaaf ah.


 

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadaha ka jira gobollada bariga Somaliland, iyadoo xukuumaddu muujinayso in ay doorbidayso wadahadal iyo nabad waarta.

Loading...
Loading...