Dadkeenu Siday Qabaan, Dulqaad Doqonimo Noqoy, Dagaalna fariidnimiyo, Dawada Qarankeena Noqoy.

0
Monday August 05, 2019 - 12:40:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadkeenu Siday Qabaan, Dulqaad Doqonimo Noqoy, Dagaalna fariidnimiyo, Dawada Qarankeena Noqoy.

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).

SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

1-DADKEENU SIDAY QABAAN,DULQAAD DOQONIMO NOQOY,

DAGAALNA FARIIDNIMIYO,DAWADA QARANKEENA NOQOY,

DEGENAANBA HADDAN LA HAYN,DALKEENI FOODO GALAY,

DIMUQRAADIYADI LA NACO,DILIYO XADHIG LOO BEDELO.

 

2-MIYAYNU DIGA DOORSANA,XAGGEE DALKA LAGU WADAA,

HADDAAN LAGA DEYN SIDA,DHAWAAN WAA KALA DAREER,

DULQAADKII KA SOO DHAMA,DANYARTI GAAJOONAYSIYO,

DURUUSTA ARDAYDII KAMILAY,DARIIQYADA TAAGAN WELI.

 

3-DOCKASTAA SOO OODANTAYO,HADDAAN LA DANAYNAHAYN,

XAGKALO LOO DEGO ROGTIYO.WAXAY DUGSADAN MA HADHIN.

DAWLADA WAXA LAGA RABAA,SI DEGDEG AH INA LOO DHEXGALO.

DAGAALKA CEELAFWEYN KA JIRA,DUQAYDA LAGU DAYNIN KELI.

 

4-DARIIQA NABADA LOO MAROO,SARKAALKA LAGA DABO TAGOO,

   DUNIDU WAXAY NAGU TAQIIN,DULQAADKA IYO DOORASHADA,

  DADKOO NABADIYO WALAALO,DHAMAANA WAY DABA XUNYIIN,

DAAYINKAA CITIRAAF HAYEE,INDINKU MAA KA DABO HADHAAN.

                ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...