Wasiirka Warfaafinta JSL Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Duqa Hargeysa, Talooyin Hoggaamineedna Kala Qaatay

0
Tuesday April 14, 2026 - 06:50:25 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta JSL Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Duqa Hargeysa, Talooyin Hoggaamineedna Kala Qaatay

    Maayir Cabdikariin Axmed Mooge ayaa ku booriyey Wasiirka Warfaafinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayir Cabdikariin Axmed Mooge ayaa ku booriyey Wasiirka Warfaafinta

May be an image of dais and text



Hargeysa (Hadhwanaag) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Batuun, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Duqa Caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge, oo ay saaxiib dhaw yihiin.


 

Kulankan ayaa ahaa mid ay labada masuul ku wadaageen aragtiyo la xidhiidha hoggaaminta iyo waajibaadka xilalka qaran ee ay hayaan, iyadoo Duqa Hargeysa uu wasiirka siiyey dardaaran iyo hogga tusaalayn ku saabsan sida ugu habboon ee loo gudan karo masuuliyadda qaran.


 

Maayir Cabdikariin Axmed Mooge ayaa ku booriyey Wasiirka Warfaafinta in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego bulshada, isla markaana uu ka shaqeeyo horumarinta waaxda warfaafinta iyo wacyigelinta.


 

Dhankiisa, Wasiirka Warfaafinta ayaa uga mahadceliyey Duqa Caasimadda talooyinka iyo dhiirrigelinta uu siiyey, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada-tashi iyo is-afgarad ka dhexeeya masuuliyiinta qaranka.

Loading...
Loading...