Somaliland Iyo Reer Soolow Siday Yiin,Seelasha Rag Jiifaano Seeto Idiinku Xidhan Tahay.Sebiyaday Dhaleen Iyo Waalidkoodu Sugayan.
Bismilahi Alraxmaan Alraxiim.
[A.S.C.W.R.W.B] Tu Khaas Ahna,
Bahda H/W Iyo Akhristayasha.
1-Samir Qaadan Maayaan,
Sidan Xaal Intuu Yahay,
Suldaaniyo Xukuumado,
Samatalis Ma Leedahiin.
2-Saciimiyo Shuyukhdiinu,
Sax Maydiin Tilmaaman,
Mise Waad Saluugtaan,
Saamaxaada Eebba Leh.
3-Salsalawgan Aadmigu,
Waxan Ay Samaystaan,
Sulux Ma Uga Baadheen?
Salguur Weeye Dhaqanki.
4-Seedi Iyo Xididnimo,
Somalinimo Dhimatayo,
Samahi Shaqayn Waaye.
Soodhiyo Dagaal Diiday,
5-Dantu Seeto Weeyaana,
Suldaanba Ino Sheegay
Suuqyada Ha Loo Eeggo,
Sixirbararka Sii Baahay.
6-Saameeyay Dunido Dhan,
Ku Sargoosta Qiimaynta,
Si Kaleeto Lagu Waayeh,
Saylada Xaraash Keena.
Ismail Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





