Wasiirka Xanaanada Xoolaha JSL Oo Fariin U Diray Dhakhaatiirta Iyo Xoola-dhaqatada, Kana Digay Ku Tuman Seerayaasha
Hargeysa (Hadhwanaag) – Wasiirka Wasaaradda Xanaanada
Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, Mudane Cumar Shucayb, oo
kormeer shaqo ku marayey gobollada Maroodi-jeex iyo Saaxil, ayaa fariin u diray
dhakhaatiirta adeegyada daaweynta iyo nafaqaynta xoolaha ka wada gobollada
dalka, iyo sidoo kale bulshada xoola-dhaqatada ah.
Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu si joogto ah u waddo
dadaallo lagu daryeelayo caafimaadka xoolaha, isagoo xusay in kooxo dhakhaatiir
ah loo kala diray dhammaan gobollada si ay u bixiyaan adeegyada daaweynta iyo
nafaqaynta xoolaha. Waxa uu xoola-dhaqatada u ballanqaaday in xukuumaddu ka
go’an tahay inay ka taageerto wixii awoodeeda ah.
"Xukuumadda wadajir iyo wax-qabad ee aanu ka tirsanahay
waxaanu idiin ballanqaadaynaa in aanaan waxba idin kala hadhin wixii awoodayada
ah, gaar ahaan daawaynta xoolaha, tayeyntooda iyo tababarka bulshada
xoola-dhaqatada ah,” ayuu yidhi Wasiirku.
Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in xooluhu yihiin laf-dhabarta
nolosha bulshada, gaar ahaan xilliyada adag, isaga oo ku booriyey bulshada inay
si gaar ah u ilaaliyaan seerayaasha si xooluhu uga badbaadaan abaaraha.
Wasiirka ayaa digniin adag ka bixiyey ku tumashada
seerayaasha iyo jarista dhirta, isagoo arrintaasi ku tilmaamay mid dambi ah,
isla markaana waxyeello u leh deegaanka iyo badbaadada xoolaha.
"Iskadaa in la dagee, geed lagama jari karo,” ayuu si cad u
sheegay Wasiirku.
Ugu dambayn, waxa uu ku baaqay in si wadajir ah loo ilaaliyo
deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah, si loo xaqiijiyo badbaadada xoolaha iyo
nolol waarta oo bulshada u horseedda horumar.


0 





