Bangiga Adduunka Iyo Xukuumadda JSL Oo Ka Wadahadlay Dardargelinta Mashaariicda Horumarinta Jidadka

Hargeysa (Hadhwanaag) – Wefti ka socda Bangiga Adduunka iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Madaxtooyada, Maamulka Caasimadda Hargeysa, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta mashaariicda horumarinta waddooyinka ee Bangiga Adduunka ka taageerayo Somaliland. Mashaariicdaasi waxaa ugu waaweyn Mashruuca SHIIP oo lagu horumarinayo jidka isku xidha Hargeysa iyo Ina Guuxa Corridor, iyo Mashruuca SURP-II oo lagu horumarinayo kaabeyaasha waddooyinka caasimadda, iyadoo la taageerayo Dawladda Hoose ee Hargeysa.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah loo falanqeeyay dib-u-eegista heerka u diyaargarowga hirgelinta mashaariicda, iyo dejinta tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu dardargelinayo fulintooda. Sidoo kale, waxaa la isla qaatay muhiimadda ay leedahay qiimaynta guud ee khataraha fatahaadaha magaalada (citywide flood risk management assessment), si loo yareeyo saamaynta roobabka iyo daadadka.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafaguray hirgelinta jidka corridor-ka ee isku xidha Hargeysa iyo Ina Guuxa, iyo qorshaynta kormeerro goobaha ah (field visits) si loo dardargeliyo mashaariicda socda, gaar ahaan Mashruuca SURP-II.
Ugu dambayn, dhinacyada kulanka ka qayb galay ayaa isla qiray muhiimadda sii xoojinta wada-shaqaynta, si loo xaqiijiyo hirgelinta mashaariicdan muhiimka ah ee kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.


0 





