Wasiirka Caafimaadka JSL Oo Shir-guddoomiyay Kulanka Guddida Heer Qaran Ee Sanduuqa Caafimaadka Maanka

0
Tuesday April 14, 2026 - 06:21:25 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 22
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Caafimaadka JSL Oo Shir-guddoomiyay Kulanka Guddida Heer Qaran Ee Sanduuqa Caafimaadka Maanka

    Sidoo kale, kulanka waxaa ka qayb galay xubno ka socday guddida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale, kulanka waxaa ka qayb galay xubno ka socday guddida

May be an image of one or more people and text



Hargeysa (Hadhwanaag) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa maanta xafiiskiisa ku shir-guddoomiyay kulanka saddex-biloodlaha ah ee Guddida Heer Qaran ee hagta Sanduuqa Caafimaadka Maanka.


 

Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd dib-u-eegis iyo qiimayn lagu sameeyo waxqabadkii qorshihii saddexdii bilood ee la soo dhaafay, iyo sidoo kale dejinta qorshaha saddexda bilood ee soo socda. Waxaa ka soo qayb galay wasiirro ka tirsan guddida heer qaran, oo ay ku jiraan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Maanka, iyo xubno kale oo muhiim ah.


 

Sidoo kale, kulanka waxaa ka qayb galay xubno ka socday guddida ganacsatada qaadka, kuwaas oo taageero muuqata ka siiya Wasaaradda dhinaca horumarinta adeegyada caafimaadka maanka.


 

Intii kulanku socday, oo qaatay saacado badan, waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyay qorshihii sannadkii tegay, waxyaabihii u qabsoomay, iyo hawlihii aan weli hirgelin iyo sababaha keenay. Guddida wasiirrada ah ayaa warbixinno kala duwan ka dhegeystay madaxda Waaxda Caafimaadka Maanka, kuwaas oo si faahfaahsan uga warbixiyay guulihii la gaadhay iyo caqabadaha weli taagan.


 

Ugu dambayn, kulanka ayaa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha kala duwan iyo dardargelinta hirgelinta qorshayaasha si loo horumariyo adeegyada caafimaadka maanka ee dalka.

Loading...
Loading...