Madaxweynaha JSL Oo Maanta Baarlamaanka Ka Jeedinaya Khudbadda Sanadlaha Ah Ee 2026
Hargeysa (Hadhwanaag) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta lagu wadaa inuu khudbaddiisa sanadlaha ah ee dastuuriga ah ka jeediyo xarunta Baarlamaanka Somaliland.
Khudbaddan oo ah mid waajib dastuur ah, ayaa Madaxweynaha ku soo bandhigi doonaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee dalka, waxqabadkii xukuumadda, iyo qorshayaasha la hiigsanayo sannadka 2026.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in Madaxweynaha uu si gaar ah uga hadlo arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo horumarka guud ee dalka, isaga oo tilmaami doona jihada ay xukuumaddu u wado mustaqbalka Somaliland.
Khudbadda sanadlaha ah ee Madaxweynaha ayaa ah mid muhiim u ah hannaanka dowladnimo, waxaana si weyn u dhegaysan doona xubnaha labada gole ee Baarlamaanka, masuuliyiinta dowladda iyo marti sharaf kale.


0 





