Wasiirka Warfaafinta JSL Oo Shir La Qaatay Agaasimeyaasha Waaxaha Si Loo Dardargeliyo Shaqada

0
Sunday April 12, 2026 - 17:28:09 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 72
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta JSL Oo Shir La Qaatay Agaasimeyaasha Waaxaha Si Loo Dardargeliyo Shaqada

    Shirka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradd



Hargeysa (Hadhwanaag) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda, Mudane Barkhad Jaamac Batuun, ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay Agaasimeyaasha Waaxaha ee Wasaaradda, kaasi oo diiradda lagu saaray dardargelinta iyo tayeynta shaqada.



 

Shirka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Muuse Askar Guulleed, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilkacase), kuwaasi oo dhammaantood ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista waxqabadka Wasaaradda.


 

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd isbarasho, isxog-waraysi iyo xoojinta wada-shaqaynta gudaha, ayaa lagu isla qaatay in si wadajir ah looga shaqeeyo hirgelinta iyo taabogelinta waajibaadka Wasaaradda, si loo gaadho adeeg hufan oo wax ku ool ah.


 

Ugu dambayn, masuuliyiintu waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wadajir, isku duubni iyo dardar gelinta shaqada, si loo horumariyo adeegyada Warfaafinta loona daboolo baahiyaha bulshada.

Loading...
Loading...