Wasaaradda Deegaanka JSL Oo Lagu Qabtay Munaasibad Xil Wareejin Ah Wasiir Ku-xigeen

Hargeysa (Hadhwanaag) – Munaasibad xil wareejin ah oo u dhaxaysay Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland, Dr. Maxamed Aw-Daahir, iyo Wasiir-ku-xigeenka cusub ee xilkaas loo soo magacaabay, Marwo Samsam Maxamed Saalax, ayaa maanta ka qabsoontay xarunta Wasaaradda Deegaanka.
Munaasibadda xil wareejinta waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland, Mudane Cabdillaahi Cismaan (Geeljire), iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, kuwaasi oo si diirran u soo dhaweeyay wasiir ku xigeenka cusub, isla markaana si sharaf leh u sagootiyay wasiir ku xigeenkii hore oo loo beddelay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.
Wasiirka ayaa si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay labada masuul, isaga oo uga mahadceliyey shaqadii uu qaranka u soo qabtay wasiir ku xigeenkii hore, isla markaana ku booriyey wasiir ku xigeenka cusub inay si hufan u gudato waajibaadkeeda shaqo.
Ugu dambayn, munaasibadda ayaa ku soo dhammaatay jawi wanaagsan, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii wadista shaqooyinka horumarineed ee Wasaaradda iyo u adeegidda bulshada si hufan oo joogto ah.


0 





