Agaasimaha Guud Ee Arrimaha Dibadda JSL Oo Ku Baaqay In La Xoojiyo Wada-shaqaynta Hay'adaha Dowladda

0
Sunday April 12, 2026 - 17:23:35 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 52
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud Ee Arrimaha Dibadda JSL Oo Ku Baaqay In La Xoojiyo Wada-shaqaynta Hay'adaha Dowladda

    gaasimaha ayaa sheegay in dowladdu tahay hal nidaam oo mideysan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

gaasimaha ayaa sheegay in dowladdu tahay hal nidaam oo mideysan,



Hargeysa (Hadhwanaag) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ugu baaqay hay’adaha kala duwan ee dowladda inay xoojiyaan wada-shaqaynta iyo isku duubnida, si looga fogaado kala tafaraaruqa ka dhex jira hay’adaha dowliga ah.


 

Agaasimaha ayaa sheegay in dowladdu tahay hal nidaam oo mideysan, isla markaana aan loo baahnayn in xafiisyada dowladda ay ku tartamaan hawlaha ay hayaan, balse ay muhiim tahay inay iska kaashadaan gudashada waajibaadkooda.



 

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in aysan habboonayn in hay’adaha dowladdu ay warbaahinta isku mariyaan farriimo, isagoo ku adkeeyey in arrimaha noocaas ah lagu xalliyo gudaha hay’adaha iyo xafiisyada loogu talagalay.


 

"Dowladdu waa hal urur iyo hal nidaam oo iskabaya, ma rabno inay xafiisyadu ku tartamaan ee waa inay iskabaan, mana rabno in dowladdu warbaahinta fariimo isku soo mariso. Waxaan doonaynaa in wixii dood iyo wada-shaqayn ah lagu gorfeeyo meelaha ku habboon,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.


 

Ugu dambayn, waxa uu fariin u diray dhammaan hay’adaha dowladda, isagoo ku booriyey inay fahmaan qaabka dowladdu u shaqayso, isla markaana ay ku shaqeeyaan nidaam mideysan oo horseeda hufnaan iyo waxqabad wanaagsan.

Loading...
Loading...