Wasiirka Xanaanada Xoolaha JSL Oo Dhagax Dhigay Mashruuc Lagu Horumarinayo Dhoofka Xoolaha
Hargeysa (Hadhwanaag) – Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cumar Shuceyb, ayaa maanta ka hadlay munaasibad dhagax-dhig ah oo lagu bilaabay mashruuc muhiim u ah horumarinta dhoofka xoolaha.
Wasiirka ayaa sheegay in mashruucani uu yahay mid qiimo weyn u leh dalka, gaar ahaan kobcinta iyo hubinta tayada dhoofka xoolaha, isaga oo tilmaamay in uu door muhiim ah ka qaadan doono nidaaminta iyo ilaalinta caafimaadka xoolaha loo dhoofinayo suuqyada caalamiga ah.
Mudane Cumar Shuceyb ayaa xusay in dhagax-dhigga mashruucani aanu ahayn mid kaliya calaamad u ah bilow, balse si rasmi ah loo hirgelin doono sanadkan haddii Alle idmo, isla markaana uu noqon doono xarun muhiim ah oo lagu hubiyo xoolaha dhoofka ah.
"Runtii maanta waa maalin weyn oo qiimo weyn nagu leh. Halkan waxa aynu maanta dhagax dhigaynaa, waxaana la bilaabi doonaa sanadkan haddii Ilaahay yidhaa, mashruucan oo noqon doona mid lagu hubiyo dhoofka xoolaha, isla markaana xoojin doona nidaamka maxjarada,” ayuu yidhi wasiirku.
Ugu dambayn, wasiirku waxa uu tilmaamay in mashruucani kaalin weyn ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha dalka iyo kor u qaadista kalsoonida suuqyada dibadda ee xoolaha Somaliland.


0 





