Guddida Hawlaha Golaha Wakiillada JSL Oo Qabatay Kulankoodii Ugu Horreeyey Kadib Isku Shaandhayn

0
Sunday April 12, 2026 - 17:20:15 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Hawlaha Golaha Wakiillada JSL Oo Qabatay Kulankoodii Ugu Horreeyey Kadib Isku Shaandhayn

    Intii uu kulanku socday, waxa si gaar ah diiradda loogu saaray habsami

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intii uu kulanku socday, waxa si gaar ah diiradda loogu saaray habsami


Hargeysa (Hadhwanaag) – Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire), ayaa maanta shirguddoominayey kulanka Guddida Hawlaha Golaha (Business Committee).


 

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee ay guddidu qabato tan iyo markii uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), sameeyey isku shaandhayn lagu sameeyey xubnaha guddida.



 

Intii uu kulanku socday, waxa si gaar ah diiradda loogu saaray habsami-u-socodka shaqooyinka guddida, isku dubaridka hawlaha Golaha Wakiillada, iyo dardargelinta waajibaadka shaqo ee ay guddidu u xil-saaran tahay.


 

Sidoo kale, xubnaha guddidu waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn joogto ah, hufnaan shaqo, iyo in la dedejiyo fulinta hawlaha Golaha, si loo xaqiijiyo in qorsheyaasha guddidu noqdaan kuwo wax ku ool ah oo waafaqsan waajibaadka Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Loading...
Loading...