Wasaaradda Dib-u-dejinta JSL Iyo IOM Oo Ka Wadahadlay Xoojinta Ilaalinta Bulshada Nugul

0
Sunday April 12, 2026 - 17:18:46 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Dib-u-dejinta JSL Iyo IOM Oo Ka Wadahadlay Xoojinta Ilaalinta Bulshada Nugul

    Masuuliyiinta Wasaaradda iyo wakiillada Hay'adda IOM ayaa sidoo kale ka wada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta Wasaaradda iyo wakiillada Hay'adda IOM ayaa sidoo kale ka wada



Hargeysa (Hadhwanaag) – Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bini’aadannimada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan muhiim ah la yeelatay Hay’adda IOM, kaasi oo diiradda lagu saaray xoojinta arrimaha ilaalinta bulshada nugul.


 

Kulanka oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud, ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya labada dhinac, isla markaana loo horumarin lahaa adeegyada ilaalinta ee la siiyo bulshada u baahan taageerada gaarka ah.



 

Masuuliyiinta Wasaaradda iyo wakiillada Hay’adda IOM ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada iyo kor u qaadista waxqabadka mashaariicda la xidhiidha arrimaha bini’aadannimada.


 

Gabagabadii kulanka, labada dhinac ayaa isla qiray muhiimadda sii xoojinta wada-shaqeynta, si loo gaadho natiijooyin wax ku ool ah oo wax ka tara baahiyaha bulshada nugul.

Loading...
Loading...