Jawharada Maamuusan, Iyo Mooganaanta! Qalinkii: Axmed Cali Kahin. Q/2aad.

0
Monday August 05, 2019 - 12:03:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawharada Maamuusan, Iyo Mooganaanta! Qalinkii: Axmed Cali Kahin. Q/2aad.

    dawladnimo luntay in dib loo helaa waa ma dhacdooyinka dhifka iyo naadirka ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dawladnimo luntay in dib loo helaa waa ma dhacdooyinka dhifka iyo naadirka ah,
 waa  nasiib gaara, iyo deeqda Rabbi Swt. Taasi oo inta baddan dunidan ka dhicin.

Halka ummado dhami wali baadi goob iyo hayaan, qarniyaal qaatay ku raadinayaa, in mar uun raaxada xoriyada, iyo  naacawdeeda neefsadaa.  nololashoda intii badnayda baadi goob ku qaatay.



Baadigoobka in xoriyad, nolol, iyo sharaf  lagu noolaado u halgankeedu marna ma joogsan, Ilaa intii aadmiga la abuuray, dulmi falayaashuna xoogaysteen. taasi oo keentay in diranayaal xaq u idiriri sanka kaga tolaan jiritaanka Caddaalada iyo hirgalinteeeda. Dadkaasi oo xaalado, wakhtiyo kala duwanaan soo maray. ujeedo kaliyina midayso, cadaalad.


In dulmi dhaco waxa ka xun in dulmiga laftiisa dadku aqbalaan, taasi oo Rabbi Swt, inoo sheegay in qoomkii fircoon dulaysanayay ahaayeen qaar faasiqiina, ama dad xuna. Xumantaasi oo keentay in la dulaysto, oo la adoonsado, ilaa ay isbadalayaan.


Haddii marka horeba xidhidhkaaga Rabbi Swt. la leedahay ka xoogwayn yahay kaad naftaada la leedahay, guuli kaa dheer iyo u hogaaminta xaga shaydaanka. Halganka ugu wayn ee dunidan yaalaa, waa ka, ka dhexeeya qofka iyo naftiisa, haddaad kaasi ku jabto, ku kale galimaysid, guulina kaa dheer.


Dhinaca kale dadka aan islaamka ahayn laftooda, haddii ay baadilka ka dhiidhiyaan dhexdooda, guusha way gaadhayaan, haddii ay aqbalaana waligood ma guulaystaan. Sirtu waa aqbalaada.


Hadii gaaladu aqbalaan baadilka guulaysan maayaan, hadii ay ka dhiidhiyaana way guulaysanayaan, ama muslim ahaw ma gaal ahaw’woo, cidii baadilka aqbashaa way gu’moobayaan, cidii ka dhiidhidaana, gobonimay ku waaraan. waxaan taariikhda ku haynaa sida halgankii Mandela.


Dawladnimo sharaf iyo daryeel leh dadkuna leeyihiin, wali dad baa ku riyoonaya, jiilba, jiilka ka dambeeya, usii gudbinaaya riyadaasi raagtay, quusashada, way ka saareen qaamuskooda nololeed, waagii baryana dhawraya,  dawladnimo.


Jaaniska dawladnimo in labba jeer ku soo maro maaha wax iska dhaca, balse waa deeq Rabbi, iyo rabbitaan shacab, oo xalaala kuna dhisan, taariikh  niyad wanaag, oo dadkan iyo dalkani u hibeeyeen xoriyadii Lixdnakii dhamaan ummada Soomaaliyeed midaynteeda. waxbana aan dhaafsan Ka ahayn, jacayl Somalinimo, iyo arragti fog. taasi oo hortooda lagu moora duugay.


Hibayntii dawladnimadii hore ee la kufsaday loona haddyadeeyay, ummada Somaliyeed, waa abaalka dawladnimada maanta ee Somaliland. in dib loo helo, halgan qadhaadh oo dheer ka dib.


U hurida iyo haddyadaasi iyo Jawharadaasi Maamusan, waa ta maanta magaca Somaliland ku taagan yahay, abaalkaa hore,  deeqdaa iyo haddyadaa la dhaxal wareejiayay.  Q/3aad baa xigta haddii Rabbi.Swt. Idmo.

Ha hilmaamin Xuska Rabbi.

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin                                                                                                         

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...