Xukuumadda Somaliland Oo Si Rasmi Ah U Wareejisay Magtii Labadii Marxuum Ee Dhacdadii Agabar
Hargeysa (Hadhwanaag) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u wareejisay magtii labadii qof ee dhawaan ku geeriyooday shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Agabar ee gobolka Gabiley, iyada oo lagu wareejiyey ehelada iyo madaxdhaqameedka deegaankaasi.
Munaasibad ka dhacday magaalada Hargeysa, oo ay ka qayb galeen xubno kamid ah golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa lagu sheegay in xukuumaddu qaadatay masuuliyadda khasaaraha ka dhashay dhacdadaasi, isla markaana ay fulisay heshiiskii ay wada galeen odayaasha iyo madaxdhaqameedka deegaanka.
Masuuliyiintii halkaasi ka hadlay ayaa caddeeyey in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada xukuumadda ee lagu xallinayo khilaafaadka iyo xoojinta nabadgelyada, iyaga oo tilmaamay in dhammaan ballanqaadyadii la galay la fuliyey.
Dhanka kale, madaxdhaqameedka iyo ehelada labada marxuum ayaa si weyn ugu mahadceliyey Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumaddiisa, iyaga oo sheegay in hawshani si wanaagsan u soo dhammaatay, isla markaana ay ku qanacsan yihiin sida ay xukuumaddu uga soo baxday waajibaadkeedii.
Ugu dambayn, waxa la rajeeyey in arrintani ay noqoto mid si buuxda u soo afjarta khilaafkii ka dhashay dhacdadaasi, isla markaana ay horseeddo nabad waarta iyo wada noolaansho bulsho.


0 





