Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Maaliyadda JSL Oo Shaaciyey Muhiimadda Waaxda Baadhista Gudaha

0
Sunday April 12, 2026 - 17:14:28 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Maaliyadda JSL Oo Shaaciyey Muhiimadda Waaxda Baadhista Gudaha

    Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Waaxda Baadhista Gudaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Waaxda Baadhista Gudaha



Hargeysa (Hadhwanaag) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Xasan, ayaa iftiimiyey doorka muhiimka ah ee ay leedahay Waaxda Baadhista Gudaha, isaga oo ku tilmaamay inay tahay tiirka ugu weyn ee Wasaaraddu ku samayso is-qiimayn joogto ah.


 

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Waaxda Baadhista Gudaha ay tahay "muraayadda” ay Wasaaraddu isku eegto, si loo ogaado heerka saxnaanta shaqooyinka iyo meelaha u baahan in la saxo. Waxa uu xusay in warbixinnada iyo talooyinka ka soo baxa waaxdani ay door muhiim ah ka qaataan hagaajinta habsami u socodka shaqada iyo kor u qaadista tayada adeegyada ay bixiso Wasaaraddu.



 

Mudane Maxamed Xasan ayaa sidoo kale caddeeyey in Wasaaradda Maaliyaddu si dhab ah ugu shaqayso natiijooyinka ka soo baxa baadhitaannada gudaha, taas oo sare u qaadaysa hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo kalsoonida hay’adda.


 

"Muraayadda la doonayo inay Wasaaraddu iska aragto waa Waaxda Baadhista Gudaha, oo aynu ku qiimaynayno maxaa inaga khaldan iyo maxaa innoo saxan. Wasaaraddu na waxay ku soconaysaa talo soo jeedintiina iyo waxa aad soo heshaan,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.


 

Ugu dambayn, waxa uu ku booriyey shaqaalaha Waaxda Baadhista Gudaha inay sii laba-jibbaaraan dadaalkooda, si loo xoojiyo nidaamka maamulka maaliyadeed iyo isla-xisaabtanka qaranka.

Loading...
Loading...