Xukuumadda Somaliland Oo Dhammaystirtay Magtii Labadii Marxuum Ee Dhacdadii Agabar
Hargeysa (Hadhwanaag) – Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Somaliland, mudane Fu’aad Axmed Nuux, ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Somaliland ay si buuxda u fulisay dhammaan heshiisyadii iyo ballanqaadyadii ay la gashay odayaasha iyo madaxdhaqameedka deegaanka Agabar ee gobolka Gabiley, kuwaas oo la xidhiidhay shaqaaqadii khasaaraha sababtay ee halkaasi ka dhacday.
Wasiirka ayaa caddeeyey in xukuumaddu si rasmi ah u wareejisay magtii labadii marxuum ee ku naf waayey shaqaaqadaasi, isaga oo xusay in hawshan muddo dheer soo socotay maanta si buuxda loo soo gabagabeeyey.
Mudane Fu’aad Axmed Nuux ayaa sheegay in xukuumaddu ka go’nayd dhamaystirka heshiisyadii la gaadhay, isla markaana ay fulisay dhammaan wixii ay ballanqaadday, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida deegaanka Agabar.
"Waxaan muddo dheer kasoo shaqaynaynay sidii aan u dhamaystiri lahayn dhacdadii Agabar iyo wixii aynu ku heshiinay anaga iyo odayaasha. Xukuumad ahaan waxaan fulinnay dhammaan ballanqaadyadii, maantana waxaan u joognaa in la wareejiyo magtii labada marxuum,” ayuu yidhi wasiirku.
Ugu dambayn, wasiirku waxa uu rajo ka muujiyey in arrintani ay noqoto mid si buuxda u soo afjarta khilaafkii ka dhashay dhacdadaasi, isla markaana ay horseeddo wada noolaansho iyo nabad waarta.


0 





