Dagaaladu Way Dhacan,Dhimashiyo Dhaawac Laga Dhaxla,Dhibtana Wax Laga Barta,Dhaba Loo Xisabtamaa,Runtana Lagu Dhiirada.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim,
[A.S.C.W.R.W.B] Tu Khaas Ahna
Bahda H/W Iyo Akhristayasha.
Dhaqankeena Waxaan Ku Jirin,
Dhigayn Sharciyadu Dhamaan,
Dhimasho Iyo Nolol Dhexdood,
Maxaabiistaasa Ka Dhiganoon,
Dhan Loo Raacana Lahaynooy,
Dhegxumo Waxay Haysataayon,
Dhanaba Looga Dhaafin Karin,
Dhiigoodu Xalaal U Yahayoon,
Dhanaba Looga Dhaafahaynin,
Dhulkeenan Kuwaas Xukumah,
Dhaqanka Guud Hadday Tahiyo,
Dhulkeenan Kuwaas Xukumah,
Dharaarna Waxan Sexanaynin,
Dhashooda Iyo Waalidkoodon,
Dhul Iyo Cir Ka Dheer Yahiinon,
Dhaayiyo Dhego Beel Badh Yiin,
Dhabankay Shantu Saarantay,
Dhufayska Kuwaa Ku Hadhayo,
Dhiiladay La Wadaagayaanoo,
Dhegahuna Weli Taagan Yiino,
Dhawaaqooda Way Maqlaan.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





