Aqoonsiga Israiil Ka Yimid, Ibafur Weeyaan,Inta Kale Aduunkuna,Dhawaan Bay Inoo Iman.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim (A.S.C.W,R,W.B),
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Albaab Naga Xidhna Bay Furen,Aadna Ugu Raynay,
Aqoonsigan Israaiil Ka Culus,Uunka Qaar Badane,
Ambaqaadkan Geediga Ogsoon,Aarka Taliyaanah.
2-Ololahana Way Wada Wadaan,Uliyo Diirkeedu,
Oroba Iyo Afriiqiya Dhawaan,Way Inoo Imaneh,
Imaraadka Carabtuna Ka Adag,Awr Kiraalaha.
3-Ordugankan Baydhaba Qabsade,Uumiyu Caayay,
Awoodana Gurguurta Isbidoo,Waa Af Kala Qaad,
Orodkaan Haboonayn,Inuu Aayar Ka Huleelkah.
4-U Ahaatayo Waa Inu Haddeer,Amarku Taagleeyo,
Axmed Iyo Saciid Waxa Ku Yimid Aamus Iyo Yaab.
Irdho Iyo Cabsiyi Kuma Jirto,Waan Ogsoonahay.
5-Abtirsado Hawiye Way Heleen,Heerkan Filanwa,
Ilma Adeer Hareera Ka Xigga,Oon Hagranahayn,
Hogaankiisa Jecelba Tolnimo,Hiilka Garabjooga.
Ismail Abdillahi Handuleh
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





