Mareykanka oo laalay fiisayaal ay lahaayeen xubno ka tirsan qoyska mas'uul hore oo Iran ah

0
Saturday April 11, 2026 - 22:31:35 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo laalay fiisayaal ay lahaayeen xubno ka tirsan qoyska mas'uul hore oo Iran ah

    Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli horey Mareykanku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli horey Mareykanku



Washington (Hadhwanaag News) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa shaaciyey in la laalay fiisayaashii iyo deggenaanshihii dhowr xubnood oo ka tirsan qoyska Masoumeh Ebtekar, oo horey u ahayd Wasiiradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee dalka Iran.


 

Sida ay warisay Al-Jazeera, Rubio ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa X ku sheegay in wiilka Ebtekar, xaaskiisa iyo wiilkooda aanay xaq u lahayn inay sii joogaan gudaha Mareykanka, isla markaana ay haatan ku jiraan gacanta hay’adda socdaalka iyo kastamyada Mareykanka (ICE), iyagoo sugaya in dalka laga masaafuriyo.



 

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli horey Mareykanku u qaaday tallaabooyin la mid ah oo lagu bartilmaameedsaday shaqsiyaad lala xidhiidhinayo mas’uuliyiin hore oo Iran ka tirsanaa.


 

Dhinaca kale, dowladda Iran ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, iyadoo ku tilmaantay kuwo siyaasadaysan oo aan sal lahayn.


 

Arrintan ayaa muujinaysa sii xumaanshaha xidhiidhka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, kaas oo muddooyinkii u dambeeyey uu ahaa mid kacsan.

Loading...
Loading...