Mashaariicda Gobolka Badhan In La Xajiimeeyo Laga Wanaagsan..!

0
Monday August 05, 2019 - 10:37:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mashaariicda Gobolka Badhan In La Xajiimeeyo Laga Wanaagsan..!

    Shalay Guddida Qandaraasyada Qaranka waxay ku dhawaaqeen Shirkadaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shalay Guddida Qandaraasyada Qaranka waxay ku dhawaaqeen Shirkadaha
ku guulaystay Mashaariic horumarineed oo Xukuumada Somaliland ka fulinayso Gobolka Badhan iyo deegaamadiisa oo ka kooban Sagaal mashruuc oo isugu jira dhisme goobo caafimaad MCH, iskuulo waxbarasho, waddo iyo goobo ganacsiba. Runtii waa talaabo wanaagsan oo haga horumarka loo qaaday in bulshada deegaanadaasi helaan adeegyada aasaasiga u ah nolosha oo waliba dawladu xilwayn iska saarto, iyadoo Madaxweyne Biixi budget gaar ah u qoondeeyay hadana in lasii laban laabo oon halkaa laga hadhinbaan soo jeedin lahaa.


Balse nasiib daro Xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Somaliland oo kasoo jeeda deegaankaas Xildh. Mp Cabdiqadir Jamac Hamud oo la hadlay HCTV ayaa cambaareeyay mashaariicdan horumarineed, isagoo Wasiirka Cadaalada ku eedeeyay inuu musuqmaasuqay, hada garoo shalay uunbaa shirkadahii ku guulaystay la shaaciyay oo wali lama bilaabinba. Aad baan ula yaabay hadalka kasoo yeedhay ninkaas xildhibaanka ah oo gef iyo meel ka dhac ku ah dadaalada horumarineed ee dalka ka socda.


Sideedaba Mashruuca xilima ayaa la yidhaa waa fashilmay? Ma qandaraas shalay la bixiyay ayaa la odhan karaa waa la musuqay lacatgtiisii? Anigu markaan hadalka Xildhibaanka rogrogay waxan ka wadi waayay inuu meeshaa iska dhex waayay.

Horumarka haloo hiiliyo.

#Tusan.

By. Mohamed Gacayte

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...