Wasaaradda Xanaannada Xoolaha oo Togdheer ka bilowday olole daawayn iyo nafaqayn loogu fidinayo 100,000 neef
Burco (Hadhwanaag News) – Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee gobolka Togdheer, oo kaashanaysa Mashruuca FSRP, ayaa si rasmi ah u kala dirtay kooxo dhakhaatiir caafimaadka xoolaha ah oo ka hawlgelaya deegaanno kala duwan oo hoos yimaada gobolka Togdheer.
Kooxahan oo tiradoodu gaadhayso afar (4) kooxood, isla markaana ka kooban dhakhaatiir iyo hawl-wadeeno kale oo caafimaad, ayaa fulin doona hawlo la xidhiidha daawaynta iyo nafaqaynta xoolaha.
Isuduwaha Wasaaradda ee gobolka Togdheer, Cabdi Muuse Jaamac, ayaa sheegay in kooxahan loo diray sidii ay u gaadhsiin lahaayeen adeegyo caafimaad iyo nafaqo xoolaha, si kor loogu qaado xaaladdooda nololeed.
Waxa uu intaa ku daray in muddada ay howlgalkaasi socon doono ay tahay 20 maalmood, isla markaana lagu daawayn doono laguna nafaqayn doono in ka badan 100,000 neef iyo 300 oo qoys oo xoola-dhaqato ah.
Sidoo kale, Isuduwuhu waxa uu tilmaamay in howlgalkaasi ku soo beegmay xilli ay xooluhu ka soo kabanayaan jiilaal dheer iyo abaar aad u daran oo saameyn ku yeelatay nolosha xoolo badan, isaga oo ku booriyey dhakhaatiirta inay muujiyaan dadaal iyo naf-hurnimo inta ay ku guda jiraan hawshaasi muhiimka ah.
Ololahan ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato dib u soo kabashada xoolaha iyo taageeridda bulshada ku tiirsan dhaqashada xoolaha ee gobolka Togdheer.


0 





