Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Somaliland oo qalliin C-Section ah ku badbaadisay neef ri' ah

Hargeysa (Hadhwanaag News) – Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Reermiyiga
Somaliland ayaa mar kale muujisay dadaalkeeda ku aaddan horumarinta adeegyada caafimaadka xoolaha, kadib markii ay si guul leh u fulisay qalliin noociisu yahay C-Section, kaas oo lagu badbaadinayey neef ri’ ah oo la daalaa dhacayay xaalad dhalmo adag.
Qalliinkan oo u baahnaa xirfad sare ayaa lagu qabtay dhismaha cusub ee wasaaradda, kaas oo dhowaan la hirgeliyey, isla markaana si buuxda ugu qalabaysan agab caafimaad oo casri ah iyo heer nadaafadeed oo sare.
Masuuliyiinta wasaaradda ayaa xusay in tallaabadan ay ka tarjumayso horumarka muuqda ee laga sameeyey adeegyada caafimaadka xoolaha, isla markaana ay xoojinayso kalsoonida ay bulshada xoola-dhaqatadu ku qabaan wasaaradda.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay tilmaantay in ay si joogto ah u bixiso adeegyo kala duwan oo caafimaad oo loo sameeyo xoolaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin qalliinnada dhalmada adag (C-Section), qalliinnada dhaawacyada culus, kabidda jajabka lafaha, iyo adeegyo kale oo muhiim u ah badbaadinta iyo daryeelka caafimaadka xoolaha.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid door weyn ka qaadanaysa badbaadinta xoolaha iyo kor u qaadidda nolol maalmeedka bulshada ku tiirsan dhaqashada xoolaha.


0 





