Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo kulan la yeeshay madaxda EUCAP

0
Saturday April 11, 2026 - 22:21:24 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo kulan la yeeshay madaxda EUCAP

    Kulankan ayaa waxa ka qaybgalay mas'uuliyiin ay ka mid yihiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankan ayaa waxa ka qaybgalay mas'uuliyiin ay ka mid yihiin



Hargeysa (Hadhwanaag News) – Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, Admiral Axmed Hure Haariye, oo uu weheliyo Abaanduulaha 1aad ee ciidanka, Col. Khadar Maxamed Ciise, ayaa kulan soo-dhaweyn iyo isbarasho ah la yeeshay madaxda hay’adda EUCAP ee ka hawlgasha Somaliland.


 

Kulankan ayaa waxa ka qaybgalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Mr. Allane, Mr. Bert, iyo Mahad oo ka tirsan xafiiska Hargeysa ee hay’adda EUCAP.



 

Kulanka oo ka qabsoomay Taliska Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee magaalada Hargeysa, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxaysa Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo hay’adda EUCAP.


 

Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo lagu horumarinayo amniga badda iyo kor u qaadista awoodda ciidanka ilaalada xeebaha, si loo xaqiijiyo badbaadada iyo ilaalinta kheyraadka badda.

Loading...
Loading...