Wasaaradda Gaadiidka Somaliland oo si rasmi ah u bilowday beddelka taarikada gaadiidka, 1,220 basna lagu bilaabay

0
Saturday April 11, 2026 - 22:16:02 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 73
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Gaadiidka Somaliland oo si rasmi ah u bilowday beddelka taarikada gaadiidka, 1,220 basna lagu bilaabay

    Masuuliyiintan ayaa shaaciyey in si rasmi ah loo bilaabay hirgelinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiintan ayaa shaaciyey in si rasmi ah loo bilaabay hirgelinta


Hargeysa (Hadhwanaag News) – Agaasimayaasha Waaxaha Liisamada, Bugaagta, Gaadiidka iyo Farsamada ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Axmed Cabdiraxmaan Ibraahim iyo Muuse Yuusuf Ibraahim, oo ay weheliyaan Guddoomiyeyaasha Iskaashatada Basaska Waaweyn ee City Bus iyo Basaska Yar-yar ee Dalmar, Cabdirixiim Maxamed Yuusuf iyo Xamse Maxamed Xuseen, ayaa qabtay shir jaraa’id oo wadajir ah.



 

Masuuliyiintan ayaa shaaciyey in si rasmi ah loo bilaabay hirgelinta qorshaha lagu beddelayo taarikadii hore ee gaadiidka, kuwaas oo la soo saaray sannadkii 2018. Waxay tilmaameen in tallaabadan lagu bilaabay tiro dhan 1,220 bas, kuwaas oo ka kala tirsan basaska waaweyn iyo kuwa yar-yar ee ka hawlgala gudaha dalka.


 

Waxa ay sidoo kale xuseen in qorshahan uu qayb ka yahay dadaallada Wasaaradda ee lagu hagaajinayo nidaamka gaadiidka, laguna xoojinayo la socodka iyo sharciyeynta gaadiidka.


 

Dhankooda, maamulka iskaashatada basaska ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka iyo hawl-wadeennadeeda doorka ay ka qaateen hirgelinta qorshahan, iyaga oo xusay in ay gacan ka geysan doonto ciribtirka gaadiidka sharci darrada ah iyo kor u qaadista hufnaanta adeegyada gaadiidka ee dalka.

Loading...
Loading...