Wasiir Sandheere Oo Taariikh Kale Dhigay: Nabaddii Selel iyo Awdal Oo La Xaqiijiyay
Waa tallaabo mudan in si weyn loo bogaadiyo in Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka JSL, mudane Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere), uu ku guulaysto nabadaynta beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay gobollada Selel iyo Awdal. Nabadda noocan ahi ma aha oo kaliya xal degdeg ah, balse waa aasaaska horumarka, wadajirka iyo mustaqbalka bulshada.
Wasiir Cabdalle wuxuu mar kale muujiyey waayo-aragnimo, dulqaad iyo karti hoggaamineed oo ka dhalatay sannado badan oo uu ku soo jiray shaqooyinka qaranka, isaga oo la soo shaqeeyey saddex Madaxweyne oo kala duwan. Taasi waxay caddeyneysaa inuu yahay shaqsi lagu kalsoonaan karo oo leh aragti fog iyo faham qoto dheer oo ku saabsan xalinta khilaafaadka bulshada.
Sidoo kale, waxaa xusid mudan doorka Madaxweyne Cirro ee ku aaddan u igmadista mas’uuliyaddan culus, taas oo muujinaysa kalsooni iyo garasho uu ku doortay shaqsiga ku habboon waqtiga ku habboon. Wasiirka waxaa si dhab ah loogu tilmaami karaa oday dhaqameed iyo nabaddoon ku suntan isu soo dhaweynta bulshada iyo ilaalinta midnimada.
Guushan nabadeed waa mid dhiirrigelin u noqon karta dhammaan masuuliyiinta kale iyo bulshada inteeda kale, si loo xoojiyo wadajir iyo xalinta khilaafaadka si nabad ah. Nabadda la gaadhay maanta waa guul qaran oo u baahan in la ilaaliyo lana sii xoojiyo.


0 





