Wasaaradda Caafimaadka JSL Oo Qabatay Kulan Lagu Falanqeeyey Xaaladaha Caafimaad ee Dalka

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, gaar ahaan Waaxaha Qorshaynta iyo Horumarinta Siyaasadda iyo Gargaarka Degdegga ah, oo kaashanaysa hay’adaha WHO iyo Save the Children, ayaa soo qabanqaabisay kulankii billaha ahaa ee dib-u-eegista iyo falanqaynta xaaladaha caafimaadka dalka.
Kulankan oo ay hoggaaminayeen Agaasimaha Waaxda Gargaarka Degdegga ah Dr. Maxamed Ismaaciil iyo Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Qorshaynta Dr. Khadar Cumar, ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta xaaladaha caafimaad ee soo kordha, dib-u-eegista waxqabadkii bishii tagtay, iyo dejinta qorshayaasha istaraatiijiga ah ee bisha soo socota.
Waxa kulanka ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday Wasaaradda iyo hay’adaha kala duwan ee bah-wadaagta la ah, kuwaas oo si wadajir ah u falanqeeyey xogaha la xidhiidha xaaladaha caafimaad ee dalka.
Intii uu kulanku socday, waxa si xeel dheer la isugu dhaafsaday xogaha ku saabsan xaaladaha caafimaad, iyadoo si qoto dheer loo falanqeeyay caqabadaha jira, isla markaana la iftiimiyay fursadaha lagu xoojin karo adeegyada caafimaad iyo kor u qaadista tayadooda.
Gebogabadii, kulanka ayaa lagu ansixiyay qorshayaasha waxqabad ee bisha xigta, kuwaas oo saldhig u noqon doona dardargelinta adeegyada caafimaadka iyo horumarinta guud ee caafimaadka bulshada.


0 





