Hay'adda Caymiska Qaranka Oo Borama Ku Qabatay Kulan Lagu Qiimeeyey Waxqabadka iyo Qorshaha 2026

0
Friday April 10, 2026 - 15:06:06 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 36
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Caymiska Qaranka Oo Borama Ku Qabatay Kulan Lagu Qiimeeyey Waxqabadka iyo Qorshaha 2026

    Kulankan oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Hay'adda, Mudane Axmed Xirsi Ducaale,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankan oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Hay'adda, Mudane Axmed Xirsi Ducaale,



Hay’adda Caymiska Qaranka JSL ayaa shalay magaalada Borama ku soo gebagebeysay kulan muhiim ah oo lagu falanqeeyey wax-qabadkii saddex-biloodka hore ee sannadka, isla markaana lagu xoojiyey qorshaha shaqo ee sannadka 2026.


 

Kulankan oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Hay’adda, Mudane Axmed Xirsi Ducaale, ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caymiska Qaranka, Mudane Cabdisalaan Maxamed Maxamuud, iyo dhammaan agaasimeyaasha hay’adda.



 

Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer dib loogu eegay heerka fulinta qorshihii shaqo ee saddex-biloodka hore, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray horumarka la gaadhay, caqabadaha jira iyo hababka dib-u-habayn loogu sameynayo qorshaha, si loogu daro hawlo cusub oo mudnaan leh oo soo baxay muddadii fulintu socotay.


 

Masuuliyiinta hay’adda ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in lagu shaqeeyo nidaam ku dhisan qorshe cad, fulin hufan iyo qiimeyn joogto ah, taas oo saldhig u ah isla-xisaabtan dhab ah iyo natiijooyin muuqda oo la taaban karo.


 

Kulankan dib-u-eegista ah ayaa qayb ka ah dedaallada istaraateji ee ay hay’addu ku xoojinayso dhismaheeda, horumarinta suuqa caymiska dalka, dhammaystirka adeegyada iyo hirgelinta nidaamyo casri ah oo kor-joogteyn iyo dabagal leh.

 

Ugu dambayn, waxaa la isla qaatay in la dardargeliyo hawlaha qorshaysan ee sannadka 2026, si loo xaqiijiyo horumar joogto ah iyo adeegyo tayo leh oo ay helaan bulshada.

Loading...
Loading...