Guddoomiyaha KAAH Oo Soo Dhaweeyey Qurbo-joog Dib Ugu Soo Laabtay Dalka

0
Friday April 10, 2026 - 15:04:25 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha KAAH Oo Soo Dhaweeyey Qurbo-joog Dib Ugu Soo Laabtay Dalka

    Guddoomiyaha ayaa hadal uu ka jeediyey munaasibadda ku bogaadiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha ayaa hadal uu ka jeediyey munaasibadda ku bogaadiyey

May be an image of one or more people and dais



Guddoomiyaha Xisbiga KAAH, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynayey xubno ka tirsan qurbo-joogta xisbiga oo dib ugu soo laabtay dalka.


 

Munaasibaddan ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan xisbiga, taageerayaal iyo marti sharaf kale, iyadoo ujeeddadeedu ahayd soo dhoweyn iyo dhiirrigelin loo sameeyo xubnaha qurbo-joogta ah ee go’aansaday inay dalkooda ku soo laabtaan si ay uga qayb qaataan horumarka iyo hawlaha siyaasadeed ee xisbiga.


 

Guddoomiyaha ayaa hadal uu ka jeediyey munaasibadda ku bogaadiyey xubnaha soo laabtay, isaga oo ku ammaanay doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaadan karaan xoojinta xisbiga iyo ka shaqeynta danaha qaranka. Wuxuu xusay in qurbo-joogtu ay yihiin laf-dhabarta horumarka, isla markaana aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda ay wax weyn ka tari karto kobcinta siyaasadda iyo bulshada.


 

Dhankooda, xubnaha qurbo-joogta ah ee la soo dhaweeyey ayaa muujiyey farxad ay ku qabaan dib ugu soo laabashada dalka, iyaga oo ballan qaaday inay si firfircoon uga qayb qaadan doonaan hawlaha, qorshayaasha iyo himilooyinka Xisbiga KAAH.


 

Ugu dambayn, munaasibadda ayaa ku soo dhammaatay jawi farxad iyo is-dhiirrigelin leh, iyadoo la adkeeyey muhiimadda wada-shaqaynta iyo midnimada si loo gaaro yoolalka xisbiga iyo horumarka dalka.

Loading...
Loading...