Wasiirka Cusub Barkhad Batuun: "Kalsoonida Shacabka Waxaan U Beddelayaa Waxqabad Muuqda"

0
Friday April 10, 2026 - 15:02:27 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 55
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Cusub Barkhad Batuun: "Kalsoonida Shacabka Waxaan U Beddelayaa Waxqabad Muuqda"

    Mudane Batuun ayaa tilmaamay in xilka loo dhiibay uu yahay mid culus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudane Batuun ayaa tilmaamay in xilka loo dhiibay uu yahay mid culus



Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Batuun, ayaa si weyn uga mahadceliyey hambalyada iyo ducooyinka faraha badan ee uu ka helay bulshada, kaddib magacaabistiisii xilka.

 

Wasiirka ayaa sheegay in fariimahaasi ay muujinayaan kalsoonida ay shacabka ku qabaan, isla markaana ay ku dhiirrigelinayaan inuu si hufan oo masuuliyad leh u guto waajibaadka qaran ee loo igmaday. Wuxuu xusay in kalsoonidaas uu u beddeli doono waxqabad muuqda oo la taaban karo.

 

Mudane Batuun ayaa tilmaamay in xilka loo dhiibay uu yahay mid culus oo u baahan daacadnimo, karti iyo u heellanaansho, isagoo carrabka ku adkeeyey in masuuliyaddu tahay amanah weyn, isla markaana rajada shacabka ay tahay hagaha shaqadiisa.

 

Sidoo kale, wasiirka cusub ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si sharaf leh loo gudbiyo aragtida iyo codka Qaranka Somaliland, isagoo xusay in difaaca sumcadda qaranku yahay waajibaad qaran oo aan laga gaabin karin.

 

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ducooyinka iyo taageerada shacabka ay yihiin dhiirrigelin joogto ah oo ka caawinaysa gudashada xilka loo igmaday si daacadnimo leh.

 

Ugu dambayn, wuxuu Alle ka baryey inuu u fududeeyo masuuliyadda culus ee saaran, kana dhigo mid si hufan uga soo baxa waajibaadka qaranka, isagoo xusay in guusha dhabta ahi ay ku timaaddo wada-shaqayn iyo kalsooni bulsho.



Loading...
Loading...