Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland: "Nabaddii Awdal iyo Salel Way Xidhantay – Ciddii Ka Hor Timaaddana Tallaabo Ayaa Laga Qaadayaa"
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Maxamed Cali Aw-cabdi, oo muddooyinkii u dambeeyey safar nabadayn ah ku joogay Galbeedka Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladda nabadeed ee ka jirta gobollada Awdal iyo Salel, isaga oo rajo weyn ka muujiyey hirgelinta heshiiskii nabadeed ee ay dhawaan gaadheen beelaha dega gobolladaas.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa caddeeyey in nabaddu si rasmi ah u xidhantay, isla markaana xukuumaddu ay xoogga saari doonto sidii loo xoojin lahaa loona ilaalin lahaa heshiiskaas. Wuxuu tilmaamay in dadaalladii nabadaynta ay miro-dhaleen, islamarkaana ay muhiim tahay in la joogteeyo wada noolaanshaha iyo xasilloonida.
Sidoo kale, wuxuu digniin adag u diray cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso nabadda ama dano gaar ah ka dhex raadisa heshiiska, isaga oo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo jebisa heshiiska la gaadhay.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bulshada Somaliland u xaqiijiyey in nabaddu tahay mid go’an oo la ilaalin doono, isaga oo ku baaqay in dhammaan dhinacyadu ay si daacad ah u fuliyaan heshiiska, si loo helo xasillooni waarta iyo horumar guud oo ka hanaqaada gobollada Awdal iyo Salel.


0 





