Xukuumadda Somaliland oo Go'aan Kama Dambays ah ka Qaadatay Colaadda Awdal & Salel – Arbacada Lagu Soo Afjarayo
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday go’aan kama dambays ah oo lagu soo afjarayo shaqaaqadii ka taagnayd deegaanada gobollada Awdal iyo Salel, taas oo sababtay khasaare naf iyo maalba leh.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in xukuumad ahaan iyo wafti ahaanba ay si rasmi ah u go’aansadeen in colaaddaasi si buuxda loo soo afjaro maalinta Arbacada ee toddobaadka soo socda, isaga oo caddeeyey in aan wax dib u dhac ahi jiri doonin wixii ka dambeeya muddadaas.
Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in fursad kooban la siinayo cid kasta oo ka tirsan dhinacyada isku haya colaadda inay ku biiraan Ciidanka Qaranka, si loo qarammeeyo, balse uu carrabka ku adkeeyey in wixii ka dambeeya Arbacada aan la ogolaan doonin cid dambe oo ku biirta ciidamada.
Waxaa kale oo uu farriin cad u diray labada beelood ee shaqaaqadu dhex martay, isaga oo ku amray inay si degdeg ah ugu guuraan goobo gaar ah oo loo cayimay inta ka hartay muddada la asteeyey, si loo kala qaado ciidamada iyo xiisadda.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumaddu ay ka go’an tahay soo celinta nabadda iyo xasilloonida, isla markaana tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo jebisa amarkaasi ama isku dayda inay dib u huriso colaadda.


0 





