Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Amar Adag ku Soo Rogay Ciidamada – Gacan Bir ah Lagu Wajaho Ciddii Carqaladeysa Nabadda Salel iyo Awdal

0
Thursday April 09, 2026 - 20:01:00 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Amar Adag ku Soo Rogay Ciidamada – Gacan Bir ah Lagu Wajaho Ciddii Carqaladeysa Nabadda Salel iyo Awdal

    Madaxweyne ku-xigeenka ayaa caddeeyey in Ciidanka MilaterigA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa caddeeyey in Ciidanka MilaterigA



Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saaray amar culus oo ku wajahan ciidamada kala duwan ee dalka, isaga oo faray inay si adag uga hortagaan cid kasta oo ka hor timaadda dadaallada nabadeynta ee ka socda gobollada Salel iyo Awdal.


 

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa caddeeyey in Ciidanka Milateriga ay waajib ku tahay fulinta awaamiirta dowladda, isla markaana ay tallaabo adag ka qaadaan shaqsiyaadka ama kooxaha diida hirgelinta go’aamada lagu sugayo nabadda. Wuxuu xusay in aan la aqbali doonin wax kasta oo caqabad ku noqonaya amniga iyo kala dambeynta.



 

Sidoo kale, waxa uu faray Ciidanka Booliska inay si buuxda u xaqiijiyaan ammaanka magaalooyinka iyo miyiga, isaga oo adkeeyey in cid kasta oo isku dayda inay khalkhal geliso nabadda si degdeg ah oo adag loola tacaalo.


 

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday in amarkan si toos ah loo fuliyo, isaga oo ku booriyey dhammaan ciidamada inay muujiyaan feejignaan iyo masuuliyad dheeraad ah, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda gobollada Salel iyo Awdal.

Loading...
Loading...