Wasiirka Waxbarashada oo Abaal-mariyey Macallimad Umalkhayr Khadar – Tusaale Nololeed oo Ku Dayasho Mudan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Macallimad Umalkhayr Khadar, oo ka mid ah barayaasha dugsiga Abdaal, gaar ahaan qaybta barbaarinta carruurta.
Wasiirka ayaa si diirran u soo dhaweeyey macallimadda, isaga oo ku ammaanay dadaalka muuqda iyo kaalinta mugga leh ee ay ka qaadatay horumarinta waxbarashada iyo barbaarinta ardayda yaryar. Waxa uu tilmaamay in Umalkhayr Khadar ay tahay macallimad leh karti, dulqaad iyo damqasho waddaniyadeed, taas oo si gaar ah uga muuqata habka ay u daryeesho oo u hagto ardayda ay wax barato.
Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa sheegay in macallimaddu aysan ku koobnayn gudbinta casharrada oo keliya, balse ay door weyn ka qaadato dhisidda akhlaaqda, edebta iyo masuuliyadda ardayda, taas oo ka dhigaysa mid mudan in lagu daydo.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyey in waxbarashadu tahay tiirka ugu muhiimsan ee horumarka bulshada, isla markaana macallimiintu ay yihiin laf-dhabarta soo saarta jiilka mustaqbalka. Waxa uu xusay in Macallimad Umalkhayr Khadar ay ka mid tahay macallimiinta hormuudka u ah horumarinta waxbarashada, isla markaana ay mudan tahay in la garab istaago lana dhiirrigeliyo.


0 





