Maxamed Muraad oo dhaliil u jeediyey badhasaab – "Cidlo ayuu fadhiyaa, xukuumadduna waxba lama socoto"
Maxamed Muraad ayaa si kulul u dhaliilay badhasaab ka tirsan maamulka, isaga oo ku eedeeyey in aanu haysan taageero ku filan oo ka timaadda xukuumadda dhexe, isla markaana uu ku shaqeeyo duruufo adag.
Muraad ayaa sheegay in badhasaabku yahay "nin cidlo fadhiya” oo aan wax taageero ah ka helin xukuumadda, taas oo saameyn ku yeelatay habsami u socodka shaqadiisa iyo adeegyada uu bulshada u hayo.
Sidoo kale, wuxuu xusay in badhasaabku si joogto ah ugu tiirsan yahay maamulka degmada, gaar ahaan maayarka, isagoo sheegay in uu mar kasta ka codsado agab aasaasi ah sida shidaalka.
"Badhasaabku waa nin cidlo fadhiya oo aanay xukuumadda dhexe waxba soo raacin, maalin walbana maayorka ayuu leeyahay labo foosto oo shidaal ah meel iigu balami,” ayuu yidhi Maxamed Muraad.
Hadalkan ayaa muujinaya caqabadaha jira ee la xiriira wada shaqaynta heerarka kala duwan ee dowladda, iyo baahida loo qabo in la xoojiyo taageerada maamulka gobollada si ay si hufan ugu adeegaan bulshada.


0 





