Doon tahriibayaal sidday oo ku degtay Badda Mediterranean-ka – 32 la badbaadiyay, in ka badan 70 weli la la'yahay
Hay’adaha samatabixinta iyo gurmadka degdegga ah ayaa ku dhawaaqay in ugu yaraan 32 qof la badbaadiyay ka dib markii doon ay la socdeen oo ka soo shiraacatay dalka Liibiya galabnimadii Sabtida ay ku degtay Badda Mediterranean-ka.
Doonta ayaa siday 105 qof oo tahriibayaal ah, kuwaas oo isugu jiray rag, dumar iyo carruur, waxaana la sheegay in ilaa hadda in ka badan 70 qof ay weli la la’yahay, iyadoo baadi-goobkooduna uu socdo.
Dhacdadan murugada leh ayaa mar kale muujinaysa khatarta weyn ee ay wajahaan dadka tahriibaya ee isku dayaya inay u gudbaan Yurub iyagoo adeegsanaya doonyo halis ah oo aan badbaado lahayn.
Dhanka kale, ururka Sea-Watch ayaa sheegay in dadka la badbaadiyay ay soo gurmadeen laba markab oo ganacsi, kuwaas oo u qaaday jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga subaxnimadii Axadda.
Hay’adaha samatabixinta ayaa weli wada dadaallo xooggan oo lagu raadinayo dadka maqan, iyadoo la cabsi qabo in tirada khasaaraha ay sii kordhi karto.


0 





